Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MD Xasan oo Ubax dhigay Taallada SYL xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May

Talaado-14-May-2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May awgeed waxa uu Ubax dhigay Taallada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobanimo u dirirka ahayd ee SYL.

Wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliska, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhigga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobanimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed dalkan usoo halgameen ayna hormuud u ahaayeen xuriyadda maanta la heesto.

Sannad kasta maanta oo kale ayaa si weyn loo xusaa xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May , maalintan ayaana ah mid umadda Soomaaliyeed qiimo badan ugu fadhisa oo horseeday in dalka ka xuroobo gumeestihii dalka kusoo duulay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA