Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Munaasabad maanta ka dhacaysa muqdisho iyo Ciidan xooggan oo loo diyaariyey Sugida Amniga Caasimada.

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya munaasabado waaweyn oo ku saabsan xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga sareemayey diyaar-garow xoog leh hey’adaha ay munaasabadaani quseyso ee dowladda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa kormeeray ciidan ku xareysan Akadeemiyada Boliiska Generaal Kaahiye oo ku taalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo aad loo diyaariyey.

Kormeerka Taliyaha ayaa ku aadanaa ka qeyb galka munaasabadda 15-ka May 2024 ee ku beegan maalinta maanta, waxaana halkaas lagu kala qaatay waajibaadka sidii loo sugi lahaa amniga muwaadiniinta u dabaal-degaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Taliye Sulub ayaa warbixin ka dhageystey Taliyaha Akadeemiyada Boliiska ee Jeneraal Kaahiye S/guuto Mukhtaar Gaabow oo sheegay inay diyaariyeen ciidan aad u qalabeysan oo loogu tala galay inay sugaan amniga muwaadiniinta isugu tegaya goobaha dabaal-degga.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidanka in loo adkeysto shaqada adag ee hortaala iyo sidii umadda Soomaliyeed looga qaban lahaa kooxaha Khawaarijta ah, isagoo faray in loo diyaar garoobo xuska 15 ka May oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta ubax dhigi doona tallada SYL, halkaas oo dadka uu kula hadli doono, waxayna sanadkaan ku soo aadeysaa maalintaan iyadoo Xasan Sheekh ay u dhamaatay sanad guuradii labaad ee xukunka uu joogay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa maanta Hotelka Royal Balaas uga qeyb galaya munaasabad weyn oo loogu dabaaldegayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, halkaas oo lagu wado in balanqaadyo cusub uu ugu sameeyo dhalinyarada oo inta badan ka cabata shaqo la’aan.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho ku sugan ayaa lagu wadaa inay Xasan Sheekh kala qeyb galaan munaasabadda xuska 15-ka May iyo ubax dhigga taallada SYL oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA