Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shir looga hadlay amniga 5 DEGMO oo lasoo gabagabeeyay iyo saraakiil ka hadashay.

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka qabsoomay shir looga hadlay amniga 5 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kaas oo ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana wehlinayay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary.

Mas’uuliyiintan ayaa ku shiray xarunta Degmada Dharkenley, waxaana looga hadlayay amniga degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo Deegaanka Garasbaaley, waxaana saraakiisha iyo guddoomiyeyaasha ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee degmooyinkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku ballaameen in lasii dardar-geliyo amniga qeybta galbeed iyo guud ahaan kan caasimadda Muqdisho.

Yabooh oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in kulankan uu qeyb ka yahay kulamo si gooni gooni ah lala yeelanaayay saraakiisha qeybaha gobolka Banaadir si loo dar-dargeliyo amniga guud ee degmooyinka gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale saraakiisha iyo maamullada kula dar-daarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo sugidda Amniga, si loogu hortago dhagaraha cadowga.

Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo kordhay falalka ammaan darrida, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay soo maleegeen  kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa iyana halkoodii ah howlgallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka oo labadii maalmood lasoo dhaafay soo qab qabtay burcaddii ugu badnayd.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA