Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada barakacayaasha caalamka oo maraysa halkii ugu sarraysay

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Warbixin cusub oo uu soo saaray machadka la socodka barakacayaasha, ayaa sheegay in colaadaha iyo rabshadaha ka jira meelo badan oo caalamka ahi, inay barakiciyeen in ka badan 75 million oo qof, taasoo maraysa halkii ugu sarraysay. Kala badh dadka barakacayaasha ah ee caalamka ayaa ku nool wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika, sida lagu sheegay warbixintan.

Warbixintan ayaa sheegtay in xiisadaha ka taagan Sudan, Jamhuuriyadda Congo iyo Falastiin inay barakiciyeen dadka ugu badan. Warbixintan ayaa lagu eegay xiisadaha iyo rabshadaha ka jira illaa 66 dal oo caalamka ah sannadkii 2023.

Agaasimaha machadkan ayaa sheegay in labadii sano ee ugu dambeeyey ay ahaayeen kuwa ugu daran ee la diiwaangeliyey barakacayaasha ka cararaya guryahooda, iyada oo ay ugu wacan tahay xiisadaha iyo colaadaha ka jira dalalkooda.

Warbixin ay soo saartay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka barakacayaasha ahi ay ahaayeen sannadkii 2022, illaa 62.5 million oo qof, halka dadka qaxootiga rasmiga ah loo aqoonsadayna ay gaadhayeen 36.4 million oo qof.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA