Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Qeybo kamid Xaafadaha Baladweyne.

Axad 19 May 2024 {HMC} Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.

Dadka ka barakacay xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa inoo sheegay in meelo badan oo horay biyaha looga xiray in kooxo ka macaasha barakaca fatahaada ay so fureen biyaha, taasina ay sababtay in qoysaskii ugu badnaa guryahooda biyaha uga barakacaan.

Qaar kamid ah Dadka ku nool xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag ayaa haatan wajahaya cabsidii ugu xooganeyd, maadama wabiga heerkiisu uu gaaray halkii ugu sareysay, islamarkaana ay jiraan kooxo doonaya iney biyaha kusoo furaan dadka shacabka ah si ay u barakacaan.

Sanad walba marka uu wabiga Shabeelle keeno biyo aad u farabadan waxaa jira kooxo caadeystay iney soo furaan biyaha wabiga, mana jiro maamul awood leh oo wax ka qaban kara kooxaha soo fura biyaha wabiga xiliyada habeenkii.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA