Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS iyo dowlad goboleedyada Shir Wadatashi oo u dhaxeeyay oo maanta lasoo xiray

ISNIIN 20 May 2024 {HMC}  Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo socday labo maalmood ayaa looga hadlay mashruuca wadajirka booliiska {JPP-2} sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah uu ka socdo.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA