Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Doowlada Iran oo yeelatay madaxweyne ku-meel gaar ah

ISNIIN 20 May 2024 {HMC}  Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Khamenei ayaa sidoo kale ku dhowaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah.

Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi..

“Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaana tacsi u dirayaa shacabka qaaliga ah ee Iran,” ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA.

“Mokhber waxa uu maamuli doonaa laanta fulinta, waxaana waajib ku ah in uu madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka kala shaqeeyo doorashada madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood gudahood,” ayuu yiri.

Sida uu qabo qodobka 131-aad ee dastuurka Iran, gole ka kooban madaxweyne ku-xigeenka koowaad, afhayeenka baarlamaanka iyo madaxa garsoorka waa in ay diyaariyaan habka doorashada madaxweynaha cusub.

Mokhber, si la mid ah Raisi, waxaa loo arkaa inuu ku dhow yahay Khamenei, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha qaranka. Mokhber ayaa noqday madaxweyne ku xigeenka koowaad 2021 markii Raisi loo doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ayaa dhammaan ku dhintay shil diyaarad hellikobter ah oo xalay ka dhacay buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddi ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA