Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Iran oo shaacisay Geerida Madaxweyne Raisi iyo Masuuliyiin kale

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay inuu geeriyooday Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ay weheliyeen 7 xubnood oo kale , sida u sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee Arrimaha fulinta, Mohsen Mansouri.

Si la mid ah, telefishinka dawladda Iran ayaa xaqiijiyay inuu madaxweyne Raisi ku geeriyooday shilka diyaaradeed, Waxaana meydadooda saaka aroornimadii laga helay dhul buuraley oo ay kula burburtay dayuuradii ay la socdeen markii ay ku xumaatay cimilada

Sida ku cad qodobka 131 ee Dastuurka Iran, ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha Iran, Mohammad Mokhber waxa uu si ku meel gaar ah ula wareegayaa xilka Raisi isagoo ogolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare. Golaha sare ee Iran waa in uu diyaariya doorasho madaxweynaha cusub 50 maalmood gudahood.

Kooxda samatabbixinta Bisha Cas ee Iran ayaa gaaray, halka ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, kaddib markii diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee Turkiga Bayraktar “Akıncı” ay soo bandhigtay muuqaalka goobta u muuqata inay diyaaradda ku dhacday.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA