Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Mareykanku uu Sabab u Ahaa geerida ku timid Madaxweynaha Iran

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay dhintaan madaxweynaha Iran iyo dadkii kale ee la socday.

Wasiir Maxamed Javed Zarif ayaa sababta Mareykanka ugu lug leeyahay shilka diyaaradeed ku sheegay in ay ka timid xayiraadda la saaray dowladda Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado casri ah.

Zarif waxa uu intaas ku daray in dadka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran dowladda Iran.

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Iran wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi.

Wuxuu sheegay wasiirka in dambiyada dowladda Mareykanka ay gali doonaan diiwaanka maskaxda dadka reer Iran iyo taariikhda dalkooda, waxa uuna sheegay in lagala xisaabtami doono Mareykanka waxa uu Iran ku sameeyay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA