Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaad Ka Taqaana Taariiqda Madaxweenihii Geeriyooday ee Iran Ebrahim Raisi…

ISNIIN 20 May 2024 {HMC}  Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi, wasiirkii arrimaha dibadda iyo xubno kale ayaa shalay ku geeriyooday shil diyaaradeed , waxa ayna geerida Madaxweynaha saameyn xooggan ku yeelatay dalka Iran.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qeybo kamid ah taariikhda Madaxweynaha geeriyooday, shaqooyinkii iyo xilalkii uu kasoo qabtay dalka Iran kahor inta uusan Madaxweynaha noqon.

Madaxweyne Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makrii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xirta dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isgaoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Isagoo arday ah ayuu ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay Galbeedku taageerayeen, kaas oo xilka looga qaaday kacdoon Islaami ah oo uu hoggaaminayayAyatollah Ruhollah Khomeini.

Kaddib kacdoonka wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano.

Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday “Guddiga Dhimashada”.

Maxkamadahan ayaa “dib u maxkamadeeyay” kumannaan maxaabiis oo hore loogu xukumay xabsi sababo la xiriira inay howlo siyaasadeed ku lug lahaayeen. Badankood waxay ka tirsanaayeen kooxda mucaaradka ee Mujahedin-e Khalq (MEK), oo sidoo kalena loo yaqaanno Ururka Mujahedin ee Dadka Iiraan (PMOI).

Tirada saxda ah ee dadka ay maxkamaddu ku xukuntay dilka lama hubo, balse kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ilaa 5,000 oo rag iyo dumar isugu jira la dilay laguna aasay xabaalo aan la calaamadeyn taas oo loo arkay dembi ka dhan ah bani’aadannimada.

Hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma beeniyaan in dilalkaasi la fuliyay, balse faahfaahin kama bixiyaan kiisaska shaskhsiyaadkii la dilay.

Raisi ayaa dhowr jeer beeniyay inuu ku lug lahaa xukunnadaas dilka. Balse wuxuu sidoo kale sheegay in arrintaas uu amray hggaamiyihii hore ee Ayatollah Khomeini isla markaana loo eegay dhanka fatwada iyo diinta.

Raisi wuxuu noqday dacwad-oogaha Tehran, kaddibna ku xigeenka madaxa garsoorka, kahor intaan loo magacaabin dacwad-oogaha guud ee Iiraan sanadkii 2014.

Labo sano kaddib, Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay madaxa mid ka mid ah ururrada diimaha ee ugu muhiimsan Iiraan uguna dhaqaalahabadan ee Astan-e Quds-e Razavi.

Ka madaxa garsoorka ahaan, Raisi wuxuu hirgeliyay isbedello horseeday yareynta tirada dadka lagu xukumo dilka. Si kastaba, Iiraan ayaa si wadday inay dil ku fuliso dad aad u badan marka loo eego dalalka kale.

Waaxda garsoorka ayaa sii wadday la shaqeynta waaxaha ammaanka si loo ugaarsado oo eedeymo basaasnimo ahna loogu so oogo dad badan oo Iiraan u dhashay isla markaana heysta labo dhalasho amaba degganaansho rasmi ah ka heysta dal shisheeye.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Raisi sababo la xiriira taariikhdiisa xuquuqda bani’aadamka ee sanadkii 2019, isagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dilka dad aan qaan gaarin xilligii la sheegay inay ka qeyb qaateen dibadbaxayad ay soo abaabuleen mucaaradka dhaqaqaaqda Cagaarka ah kaddib doorashadii lagu murmay ee dhacday sanadkii 2009.

Waxyar ayaa laga yaqaannaa nolosha gaarka ah ee Raisi marka laga reebo in xaaskiisa Jamileh ay wax ka dhigto Jaamacadda Shahid Beheshti ee Tehran, iyo inay isu dhaleen labo gabdhood. Soddoggii waa Ayatollah Ahmad Alamolhoda, wadaadka mayalka adag ee salaadda Jimcaha ka tujiya Mashhad.

Intii uu xukunka dalka Iiran hayey waxaa uu madaxdii ka horeysay kala mid ahaa sida adag ay isku diidan yihiin siyaasadda Maraykanka iyo Xulufadiisa

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA