Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

maxkamadda Dembiyada Caalamiga oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga {ICC} ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.

Sidoo kale waxaa ay maxkamadda dalbatay in la soo xiro hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kuwaaso kala ah; Ismail Haniya, madaxa siyaasadda ee ururka Yaxye Sinwar, madaxa Xamaas ee Qasa iyo taliyaha guutada hubaysan ee Xamaas, Maxamed Deif.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah {ICC}, Karim Khan ayaa shaaciyey go’aankan.

“Netanyahu iyo Gallant ayaa mas’uul ka ah dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacaya Qasa, Waxay sababeen dabar goynta dadka iyo gaajada oo ah ficil dagaal — Haddii aynaan muujin rabitaankeena ah inaan si siman u ixtiraamno sharciga, tani waxay la macno tahay burburka sharciga.” ayuu yiri

Waxaa kalo uu dembi dagaal u aqoonsaday weerarkii Xamaas ay qaaday 7 Oktoobar.

Markii uu soo baxay go’aankan, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay ku sheegto go’aan ceeb caalami ah ku ah Netanyahu oo inta ay dacwada socotay dadaal ku bixinayay inuusan soo bixin go’aanka ay {ICC} ku dalbaynayso in la soo xiro.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA