Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

OCHA oo sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka ee Somalia

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January.

10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka dhigan heerka dhimashada kiisaska cudurka Daacuunku inuu gaaray 1.1 boqolkiiba.

“Waxaa loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo baahiyaha dadka ay dhibaatadu saameysey,” OCHA ayaa ku tiri warbixinteeda.

OCHA waxa ay intaa ku dartay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka la filayo in ay uga sii daraan cudurka Daacuun caloolaha oo markii horeba si aad ah uga dilaacay meelaha qaar.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay cudurka daacuunka ee ka dillaacay Soomaaliya inay sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee dadka, kuwaasoo aan haysan biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan.

Sannadkii 2023-kii, in ka badan 18,304 xaaladood iyo 46 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan kala badh ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA