Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kuma Ninka Ku Hajabay in Afgambi Beeshiisa Dalka Ku Qabsaneeyso ee La Soo Xiray?

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Liibaan Khaliif Abtidoon oo maalmo kahor warbaahinta ka sheegay in beeshiisa ay dalka afgambi ku qabsan doonto.

Ninkan oo warbaahinta kasoo muuqday isaga oo ka hadlaya kiiska Sayid-Cali ayaa hanjabaaddan hawada mariyay, isagoo ku goodiyay in haddii aan la soo deyn Sayid-Cali ay afgambi ku qabsan doonaan dalka.

Ciidanka booliska qeyta guud gaar ahaan Saldhiga Booliska Hodan ayaa soo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo hadda ku eedeysan in uu ku kacay fal lidi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee kunool caasimada in ay ka fogaadaan baanaan-baxyada rabshadaha huwan iyo ka hadlida arimaha uu ka dhalan karo fal damiyeeydka,” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska ku shaaciyay inuu soo qabtay ninkaan.

Booliska ayaa sidoo kale bulshada ka dalbaday in hadii ay la kulmaan falal ammaanka lid ku ah ama cabasho gaar ah ay la xiriiraan xafiiska gurmad ee ciidanka booliska.

Kiiska Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi, ayaa Arbacaddii markale lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna Sayid-Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul.

Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali ayaa haatan haysata fursad kale oo uu ku qaadan karo Racfaan, kuna aadi karo maxkamadda sare oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA