Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Soomaaliya oo soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka waday degmada Daaru salaam.

Talaado, 21 May, 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka waday degmadaas, kuwaas oo gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado dhaliyey oo khasaare sababay.

Booliska oo soo bandhigay sawirrada dadka lasoo qabtay ayaa sheegay in la horgey doono maxkamad, iyadoo mar kale looga digay shacabka ku nool caasimadda inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga liddi ku ah.

Habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale loo soo bandhigay sawirrada dhalinyaro gabdho u badan oo kicin dadweyne ka bilaabay barta TikTok, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA