Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dad Horleh oo Ka barakacaayo Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baledweyne

Talaado,  21 May, 2024 {HMC} Qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo saakay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.

Labadaan xaafadood ee Xalay iyo saakay qeybo ka mid ah looga barakacayo fatahaada ayaa ahaa maalmahii lasoo dhaafay kuwa rajadooda aad u wanaagsaneyd waxaana xusid mudan in wali la dagan yahay inta badan labadaas xaafadood.

Baledweyne wali waxaa ka taagan cabsida biyaha wabiga Shabeelle oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysan haya, islamarkaana looga sii barakaci haayo xaafado hor leh, waxaana suurtagal ah hadii biyuhu sidaan kusii socdaan in guud ahaan xaafadaha Baledweyne laga barakici doono.

Mudo Lix bilood ka yar ayaa laga joogaa markii fatahaadii abid ugu xoogeneyd ay ku dhufatay magaalada Baledweyne dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023, waxaana xusid mudan in fatahaadan ay markale imaatay, iyadoo wali aysan kasoo kabsan dadka reer Baledweyne dhibaatadii kasoo gaartay fatahaadii hore.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA