Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

{Daawo SAWIRADA} Gaari Rasaas Iyo Saanad Ciidan U Waday AS oo La Qabtay

Talaado-21-May-2024 {HMC}  Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Ururka 86-aad ee guutada 77 ayaa gacanta ku dhigay Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Layla Calaawi ah oo rasaas iyo saanad kale u siday Al Shabaab .

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay heleen xogta gaarigan waday rasaasta iyo saanada kale kuna sii jeeday deegaannada Al Shabaab maamulaan, waxaana gaariga lagu qabtay deegaanka Mary-suley oo u dhow xadka Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Gaarigan iyo dadkii la socday ayey ciidamada ku wadaan baaritaanno, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in gaariga alaabta saaran ee saanada iyo agabyo kale loo waday Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deeegaanno iyo degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Galmudug ayaa marar badab qabtay gaadiid rasaas, daawooyin iyo agabyo kale u waday kooxda Al Shabaab .

{DAAWO MUUQAALKA} u Diyaa garow Xoogan ee Munaasabada Ciida oo laga Daremayo magaalada Baladweyne.

Sabti 15 June 2024 {HMC} u Diyaa garow Xoogan ee Munaasabada Ciida oo laga Daremayo magaalada Baladweyne. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madadaale oo Banka carafo ugu Duceyey Dadka Isaamka

Sabti 15 June 2024 {HMC} Gudoomiye Madadaale oo Banka carafo ugu Duceyey Dadka Isaamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA