Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya iyo Uganda oo kawada hadlay qorshaha ATMIS ee Somalia

Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Kenya ee Nairobi, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya oo labada dal ay ciidamo ka joogaan, si gaar ah madaxda labada dal ayaa aad u gorfeysay qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa kulanka ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi kadib waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan darrada uu gobolka ku keeni karo qorshaha bixitaanka ciidanka ARMIS ee Soomaaliya jooga.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.

Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinay yaraynta iyo bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana isla qaadanay in yaraynta iyo wakhtiga loo qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ee ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya, sidoo kale waa dalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa door muhiim ah ku leh howlgalka 15-ka sano ay ATMIS ka wado Soomaaliya.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska amniga dalka ayaa horay uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidamada ATMIS, iyagoo qaba in weli ciidanka Soomaaliya aysan yeelan awood ay kula wareegaan amniga qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay ku filan tahay sugidda amniga dalka, ciidamada qaranka oo dhisme xoog leh uu ku socdo ayaa dagaal adagna kula jira kooxaha argagixisada ah, waxaana hadda cadaatay in ciidanka Soomaaliya ay argagixisada ka adkaa karaan, iyagoo aan garab ka heleyn ATMIS.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA