Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Putin oo tagaya dalka Iran si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi

Talaado-21-May-2024 {HMC}  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin uu maanta ku wajahan yahay dalka Iran, si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi Ebrahim Raisi.

Warbaahinta Ruushka qaarkood ayaa baahiyay in Madaxweyne Putin u tagayo Iran si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi Raisi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo dowladda dalkaasi katirsanaa.

Ammaanka Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa la sheegay in ammaankiisa si weyn loo adkeenayo, waxaama diyaarada khaaska ah uu la socdo waardiye ka qaban doona afar diyaaradood oo nuuca dagaalka ah.

Dowladda Ruushka ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh dowladda Iran oo go’doomiyeen dowladaha reer Galbeedka, Iran ayaana Ruushka ku taageertay duullaanka uu ku qaaday Ukraine waxa ayna siiyeen diyaarado dagaal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA