Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

maxkamadda ICC oo in waaran qabasho ah ujartay RW Israa’iil iyo saraakiil Xamaas ah.

Talaado-21-May-2024 {HMC} Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas, kuwaas oo loo haysto dembiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay.

Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa arrintan ku tilmaamay “inuu yahay wax laga xumaado oo muujinaya heerka uu nidaamka garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo”.

Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa isaguna go’aanka maxkamadda dembiyada caalamiga ah ku tilmaamay inuu yahay “go’aan fool xun”

Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigton weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza.

Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas.

Xoghayaha arrimaha debedda ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku.

Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey.

Qoraal ay soo saareen Isniintii shalay ayay Xamas ku sheegtay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacan qabsashada Israa’iil ee dhulkooda, oo ay ku jirto iska caabbin hubaysan.

Balkees Jarrah, oo ah ku xigeenka agaasimaha cadaalada caalamiga ah ee ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa bogaadiyay go’aanka Khan.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay iridaha u furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal iyo inay si badheedh ah u bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah “iyaga oo u arka hab ay ku cidhibtiri karaan Xamaas, una soo dayn karaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, sidoo kalena waxay si wada-jir ah u ciqaabeen dadka rayidka ah eek u nool marinka Qaza, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay halis ku yihiin Israa’iil.

Khan ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, taas oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jidhdil.

Dacwad oogaha ayay tahay inuu codsi waaran qabasho u gudbiyo saddex xaakin oo qiimayn doona caddaymaha uu hayo, ka dibna waxay go’aamin doonaan in aqbalaan in la soo xidho.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA