Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo Sheegtay in ay dhawaan shaacin doonto natiijada heshiiskii ay la galeen Itoobiya.

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu xilligan marayo heshiiskii ay la gaareen dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiskii isfaham ay la galeen dowladda Itoobiya uu hadda marayo heer gabogabo ah, waxa uuna xusay in dhawaan uu ka soo bixi doono heshiiskaasi wax lagu farxo oo dan u ah labada dhinac.

Wasiir Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga ganacsi ay la leeyihiin dalka Itoobiya iyo adeegsiga dekedda Berbera uu kor u kacay muddooyinkii ugu dambeeyay, ayna rejo ka qabaan in uu sii kordho.

Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in wakiilkii Itoobiya u joogay magaalada Hargeysa hadda loo badelay safiir rasmi ah. Waxa uuna xusay in Itoobiya ay la leeyihiin xuduud dheer ayna lahaayeen muddo 30-sanno xiriir qoto dheer.

“30kii sannadood ee u dambeeyay xidhiidh qotodheer bay lahaayeen sida mid amni iyo ganacsi. Waana dalka xudduuda ugu dheer la leedahay Somaliland. Xudduuda aanu Soomaaliya la leenahay waxa ka dheer ta Itoobiya.sidaas awgeed, wax badan baa iskaga kaaya xidhan dhinaca siyaasadda iyo amniga wax waliba way iskaga ka xidhan yihiin Itoobiya.” ayuu yiri wasiir Cali Mareyxaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya sheegtay in ay xireyso qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid riyo dhalanteed ah.

“Soomaalidu waxay tidhaa gacan aanad go’yn karayn waa la dhunkadaa ee Soomaaliya inta ay leedahay waxaanu xidhaynaa wax aanay xidhi karayn inay si saaxibtinimo ah ula dhaqmaan Somaliland iyo Itoobiya ayey ahayd,” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in heer gabogabo ah marayo hirgelinta heshiiskii ay la galeen Itoobiya, lana maqli doono dhawaan war farxad leh oo heshiiskaasi kusoo kordha.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA