Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo shaaciyay qodobada uu Ruushka kala hadlay

Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha dowladda Ruushka u jooga Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay la kaashato dalalka caalamka oo dhan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safiirka Ruushka kala hadlay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan la haayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.

Sidoo kale Safiirka ayaa sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay dalka kaga xoreynayaan AS.

Madaxweynaha ayaa sheegay deegaano kooban ay dalka kaga sugan yihiin AS, waxa uuna hoosta ka xariiqay in AS Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA