Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

muxuu yahay Qorshaha Ciidamada ATMIS Dhamaadka sanadka 2024.

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa sida uu u ekaan doono howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, markii uu dhamaado qorshaha ATMIS oo ku eg dhamaadka sanadkaan 2024-ka.

Howlgalka aan ka warameyno wuxuu Soomaaliya ka bilaaba doonaa Janaayo 2025-ka, sida la qorsheeyey, waxaana sanadkaan Soomaaliya ka baxaya mar kale 4,000 oo ka tirsan ciidamada ATMIS.

Bisha soo socota ee Juun ayaa la qorsheeyey inay baxaan 4,000 oo askari, balse waxaa la bedelay qorshahaas oo 2,000 ayaa baxaysa Juun, halka 2,000 oo kale ay baxayso bisha Sebtember ee isla sanadkaan.

Sanadkii hore 5,000 oo askari oo ka tirsanaa ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo howlgalkoodii laga maarmay, kuna baxay ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

9,000 ama ugu badnaan 10,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa Soomaaliya ku hareysa markii la gaaro bisha December ee dhamaadka sanadkaan 2024-ka.

Qorshaha Midowga Afrika ayaa ah in ciidanka ku haraya Soomaaliya ee ATMIS ay bilow u noqdaan howlgalka la qorsheeyey inuu Soomaaliya ka bilowdo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Ilaa hadda ma cadda in howlgalkaas oo sii ahaan doono mid hoos taga Midowga Afrika, isla markaana ogolaansho ka heli doona golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ooh adda taageera dhaqaale ku bixiya howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxay ka gaabsadeen inay saxaafadda faahfaahin ka siiyaan nooca uu noqonayo howlgalka la qorsheynayo in lagu bedelo kan ATMIS iyo sida qorshahaasi uu ku suurta-geli karo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA