Sunday, June 16, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Sadax Dal oo Reer Yurub ah Ayaa ku dhawaaqay in Falastiin dowlad u aqoonsan yihiin.

Arbaco 22,May , 2024 {HMC} Dalalka Ireland, Spain iyo Norway oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay iney dowlad u aqoonsanayaan Falastiin laga bilaabo 28-ka bishaan May ee sanadkaan 2024.

Sadaxdaan Wadan ayaa sidoo kale sheegay iney ka rajeynayaan dalalka kale ee reer Galbeedka iney ku dayan doonaan oo ay Falastiin u aqoonsan doonaan dowladd, waxaana go’aankaan kasoo yeeray sadaxdan dowladood uu sababay in Israa’iil ay u yeerato safiiradeeda dalalka Ireland, Spain iyo Norway.

Pedro Sanchez Ra iisulwasaaraha Wadanka  Spain oo ka hadlay aqoonsiga dowladdiisa ee Falastiin ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaalada lagu xaqiijinayo xabad joojin laga gaaro dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay Aqalka hoose ee dalkaas.

Sadaxdaan Wadan ayaa ayaa muddo bilo ah ololo ka dhex waday wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin. Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas” ayuu yiri Raysal wasaaraha Irelanad Simon Harris.

Ra iisul wasaaraha Wadanka Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed dhexmara Israa’iili iyo Falastiin inay tahay iney noqdaan laba dal oo isku dhinac yaala oo ku wada nool nabad iyo amni.

Talaabada ay qaadeen dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa imaanaya, iyadoo howlgalada Isra’iil ay ka fulisay magaalada Gaza ay ku dhinteen in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Jubaland oo salaada ciida carafo kula tukaday Madaxtooyada dadweyne kala duwan.

Axad 16 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubaland oo salaada ciida carafo kula tukaday Madaxtooyada dadweyne kala duwan. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16 6 2024

Axad 16 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16 6 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA