Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliiska Mareykanka oo Soo Qabtay Shaqsigii Ka Danbeeyay Nin Soomaali ah oo gaari lagu weeraray

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Nin Soomaali ah oo kamid ah jameecadda Masjidka Al-Xikma Islaamic Center ee kuyaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, ayaa shalay oo Arbaco ah lagu weeraray gaari, waxaana ninkaasi soo gaaray dhaawac.

Ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ayaana xabsiga dhigay ninka lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerarka gaariga loo adeegsaday, waxaana dhibanaha oo 36-sanno jir Soomaali Amerikan ah lagu daweenayaa isbitaal.

War kasoo baxay taliska booliiska magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in ciidamada gacanta ku hayaan ninka dhibka geestay, waxa ayna sheegeen in baaritaanno lagu bilaabay kiiskan weerarka gaariga loo adeegsaday.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaadeen in tuhmanaha weerarka gaystay uu horey dhowr jeer oo kale isla masaajidka Al-Xikma falal caynkaan ah uga gaystay.

Imaamka masaajidka Al-xikma Islaamic Center oo lagu magacaabo Sheekh Cabdirisaaq Keynaan, ayaa soo dhaweeyay tallaabada booliiska ka qaadeen ninka dhibka geestay, waxa uuna xusay in weerarkan khal khal badan galiyay jameecadda Masjidka ku dukata.

Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaana si kulul u cambaareeyay falkan uu ku kacay ninka Islaam naceybka ka muuqdio, waxa ayna xuseen in ninkan marar badan dhibaateyn ku waday Masjidka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA