Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Falastiiniyiinta Rafax oo wajahaya xaalad adag kadib markii QM ay ku dhawaaqday joojinta gargaarkii ay heli jireen

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay joojisay qaybinta raashinka gargaarka ah ee Rafax, sababo la xiriira sahay la’aan iyo amni darro.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA, ayaa sheegtay in helitaanka inta badan xarumaha cuntada lagu qaybiyo ee Rafax ay noqotay mid aan suurtagal ahayn, taas oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milatari ee Israa’iil ay ka wadaan bariga magaalada.

In ka badan 800,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ka mid ah hal milyan oo qof, ayaa ka qaxay magaalada ka dib markii uu billowday howlgalka Israa’iil laba toddobaad ka hor.

UNRWA waxay sheegtay in xarumaheeda caafimaadka ay sidoo kale shaqada joojiyeen 10 maalmood ka hor.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Maraykanku uu sheegay in uu aaminsan yahay in inta badan gargaarkii loogu tala galay dadka Falastiiniyiinta ah ee woqooyiga Marinka Rafax aan weli la qaybin dhibaatooyinka jira awgood.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA