Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya oo digniin kasoo saartay khatarta argigixisnimo ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada ATMIS

Jimco, 24 May, 2024  {HMC}  Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka, Ruto waxa uu ku baaqay in Mareykanka uu taageero si looga hortago arrimaha ammaanka ee gobolka Geesjka Afrika.

Ruto waxa uu sheegay in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ay kordhin karto weerarrada argagixisnimada Soomaaliya. Ruto iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labaduba ka walaacsan habacsanaanta amni ee soo socota.

Ruto ayaa soo hadal qaaday kulan uu dhawaan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ka hor inta uusan booqashadiisa Mareykanka ku tagin, in ay ka wada hadleen khataro dhanka ammaanka ah oo ka dhalan kara dhimista ATMIS-ka ee la qorsheeyay, iyadoo aan lagu saleynin xaaladaha taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in la dedejiyo soo afjarida howlgalka nabad ilaalinta, taasoo ka yaabisay beesha caalamka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA