Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan kalluumaysiga

Jimco, 24 May, 2024  {HMC} Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa ku saabsan kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.

Heshiiskan is afgaradka ah ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoojinayo dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal Soomaaliya iyo Cumaan.

Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga Kalluumeysiga ah, si loo abuuro furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee kalluumeysiga, si dalku u gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis kula gashay dowladda Turkiga in ay ka caawiso sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA