Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Heshiiska Milatari oo ay Kala Saxiixdeen Mareykanka Iyo Kenya.

Jimco, 24 May, 2024  {HMC} Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee, waxaana uu sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA