Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Armenia oo dhul baaxad leh ku wareejisay Azerbaijan.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Ciidamada ilaalada xadka Azerbaijan ayaa Jimcihi si rasmi ah ula wareegay, afar tuulo oo ka tirsan degmada Gazakh ee dhacda xadka ay Armenia, tallaabadan oo qeyb ka ah heshiis ay labada waddan dhawaan kala saxiixdeen.

Ra’isulwasaare ku xigeennka Azerbaijan Shahin Mustafayev, ayaa sheegay in baaxadda dhulka lagu soo celiyay Azerbaijan uu gaarayo 6.5 kilomitir oo laba jibbaaran. Wuxuu sheegay in dhulkani loo maray heshiiski ay xukuumadaha Baku iyo Yerevan bishi April.

Armenia ayaa bishi April sheegtay in ay Azerbaijan ku celineyso afar tuulo oo aanan la daganeyn. Labada dowladood ayaa arrintaasi ku sheegay mid tiir dhaxaad u noqon doonto nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Laakin go’aanka xukuumadda Armenia ayaa dhaliyay bannaanbaxyo arrintaasi looga soo horjeestay oo ka dhacay Armenia. Dibadbaxayaasha ayaana dalbaday inuu is casilo ra’isulwasaare Nikol Pashinyan.

Armenia iyo Azernbaijan ayaa muddo tobnaan sano ah isku heystay lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaalla xuduudda labada waddan. Labada dal ayaa dhowr jeer uu dhexmaray dagaal toos ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA