Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliiska oo lagu bogaadiyay dadkii dhaqanxumada waday ay ku xir xireen Muqdisho

Sabti, 25 May, 2024 {HMC}  Qaar kamid ah culimada Soomaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta booqdey xarunta taliska ciidanka booliiska , waxa ayna bogaadiyeen shaqada ay ciidanka u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa ay culimadan soo dhaweeyeen go’ aankii booliiska ku Xir xireen dadkii magaalada ka waday anshax-xumada iyo sidoo kale kicinta bulshada iyaga oo qabyaalad isticmaalaya.

Culimada ayaa taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ku amaaney doorka shariif ah ee ku aadan la-dagaalanka faafinta anshax-xumada iyo dadka colaada qabiil ka abuura baraha bulshada

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmad Firin ku amaaney go a’aankiiisi ahaa in qofka xaafidul Quraanka ah ee ka mid noqonaaya ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu la mid yahay qof Haysta shahaado dugsi sare ah ;

Taliyaha Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa dhankiisa culimada ka codsadey in ay gacan ka geystaan wacyi-gelinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ciidanka booliiska Soomaaliyeed u taagan yahay cidkasta Oo anshaxa bulshada suurad xumeysa in gacan bir ah ku qabtaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA