Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} SoDMA oo ansixiyay siyaasadda Ku Aadan ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka howlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay oo laga warbixiyay wacyigalinta iyo digniinihi ay hay’adda ka soo saartay Duufaanta Laly oo soo abuurantay 14-May-2024 in gabi ahaanba meesha ka baxday habeenimadii ay bishu aheyd 23-May 2024 taas oo socotay mudo dhan toban cisho soona martay heerar kala duwan.

Hay’adda SoDMA oo go’antahay la dagaallanka iyo ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadminimo ayaa maanta kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah siyaasadda hay’adda maareynta musiibooyinka ee ku aaddan la dagaallanka iyo ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Kulanka joogtada ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA