Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}Qaar Ka Tirsan Hogaanka Sare ee Jubaland oo Gaaray degmada Ceelwaaq

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland mudane Mohamud Sayid Aaden iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa kulan la qaatay maamulka iyo Saraakiisha Amniga ee degmadaasi.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Jubbaland, Wasiirka Amniga Jubaland iyo xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlada federalka Soomaaliya,

Kulanka oo ka dhacay xerada ciidanka Daraawiishta Jubaland ee degmada Ceelwaq ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah iyo sidii loo dardar galin lahaa Amniga guud ee degmada iyo Deegaanada hoos yimaada.

Degmada Ceelwaaq ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee xadka leh Kenya, waxaana degmadaas dhowr jeer weeraray kooxda Al shabaab inkastoo dib looga saaray.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA