Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo soo dhaweeysay cunaqabateynta QM ay ku soo rogtay hogaamiyaal ka tirsan AS

Sabti, 25 May, 2024 {HMC}  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac ayaa bogaadiyay go’aankan.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigeenna. Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Arrintan ayaa ku soo beegantay saddex maalmood ka dib markii Golaha Ammaanku uu cunaqabatayn ku soo rogay saddex ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qaybqaataan maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA