Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH-FAAHIN: Dagaal dhaxmaray Ciidamada KENYA iyo xubno ka tirsan kooxda AS

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda AS oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda AS ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Ijaara, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid AS, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha AS.

Sidoo kale, AS ayaa dhankeedda guul ka sheegtay dagaalka, waxayna shaacisay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, ayna dishay askar, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda AS oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA