Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hoggaamiyaha SSC oo shaaciyey faa’iidada ay ka heleen dagaalkii ay la galeen maamulka Somaliland,

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa uga warbixiyey xaaladda deegaanka, isagoo sheegay in Muuse Biixi uu qorsheynayo dagaal kale.

Firdhiye ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ay ku faa’iideeyn dagaalkii ay la galeen maamulka Somaliland, isla markaana ay ku guuleysteen inay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu hadda qorsheynayo dagaal kale, balse uu ku jebi doono, isagoo ka digay in mar kale Somaliland ay dib u soo celiso daadinta dhiigii sokeeye, kaas oo aan ku joogsan heshiis ama xabad joogin, balse iskiis u istaagay.

Firdhiye ayaa ku faanay in ciidamada Somaliland ay dagaalka uga awood bateen oo ciidamada SCC ay gudaha u galeen xuduuda Somaliland, balse markii ay xoreysteen dhulkooda ay go’aansadeen inay ka soo laabtaan dhulka uu ka taliyo maamulka Muuse Biixi ee Somaliland.

“Shacabka gobollada waqooyi waxaan leeyahay ka fogaada dulmiga Muuse Biixi uu wado, si ilaahey raali idinkaga noqdo, cid kale inaad dulmisaan yaan lagu fekerin,” ayuu yiri Firdhiye oo ka digay in colaadii Laascaanood ay mar kale soo noqoto.

Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in shacabka uu hoggaamiyo ee SSC ay tirsanaa in la dulmiyey oo gardarro lagu laayey, balse ay muhiimada siinayaan nabadda, wada noolaashaha iyo walaalnimada.

“In xadka aanaan dhaafin waa muhiim, maanta SSC waxay ku jirtaa xiligeedii ugu quruxda badnaa, rajo iyo yadadiilo aanaan heysan sanado ka hor ayaan maanta heysanaa, maamulka aan hoggaamiyo oo ku yimid rabitaanka shacabka waxaa ka go’an inuu xaqiijiyo rajada shacabka SSC Khaatumo oo halgan dheer soo galay,” ayuu yiri hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Ugu dambeyntii hoggaamiye Firdhiye wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeeyey dejinta shuruucdii lagu maamuli lahaa deegaanka, isla markaana ay ka go’antahay in doorashada oo waqtigeeda ku dhaceysa ka hor uu baasgareeyo dhamaan shuruucdii lagu shaqeyn lahaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA