Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxwayne Xasan sheikh oo dhambaal hambalyo ah u dirtay dhigiisa dalka ERITREA

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saartay ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dowladda iyo shacabka Eritrea oo maanta u dabaaldagaya sanad guuradooda 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen.

Bayaan ay soo saartay Villa Soomaaliya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay farxadda la qaybsaneyso Eritrea oo xuseyso sanad guurada 33-aad.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo Eritrea, munaasabadda sanad guurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda la qaybsanayaan shacabka Eritrea oo uu sheegay inay ka dhexeyso taariikh dheer iyo xiriir soo jireen ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si wadajir ah uga qayb-qaadanayaan xuska safarkii dheeraa ee Eritrea usoo gashay madax-banaanida, ayada oo lasii aqoonsanayo taariikhada wadaagga ah iyo xiriirka waara ee ka dhexeeya labadeenna dal” ayaa la raaciyay qoraalka.

Eritrea oo kamid ah dalalka dhaca Geeska Afrika ayaa xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay 7 sano ee u dambeysay oo ay laba dhinac yeesheen iskaashi buuxa.

Siidoo kale Eritrea ayaa ciidamo u tababarta dowladda federaalka, kuwaas oo ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA