Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qasaaro ka dhashay Dagaal dhaxmaray Ciidamada Macawisley iyo kooxda AS.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan bariga Galgaduud ku qaadeen AS, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Geerille oo u dhexeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka.

Macawiisleyda ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen AS, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo lagu jabiyay kooxda.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen  kooxda AS, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Muuqaal ay soo duubeen ciidanka howlgalka sameeyay ayaa lagu soo bandhigay hubka laga soo furtay ASoo uu ku jiray qoray AK47 ah, kaas oo lagu wareejiyay isla ninkii kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay mid lagu dhiirogelinayo.

“Macawiisleyda joogta bariga gobolka Galgaduud saas inay u dirirto ayaan rabaa shaqo wacan, qoraygaana adaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobta.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AS oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda AS, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA