Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Xamse Barre oo ballanqaad cusub ka helay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Sabti, 25 May, 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna dowladan dhaqaale iyo garab istaag kalaba ku taageertaa Soomaaliya, iyadoona mar aheyd Qatar dalka haga siyaasadda Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA