Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo loogu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan difaaca Madaxbannaanida Soomaaliya

Axad, 26, May 2024 {HMC} Guddiga Difaaca Qarannimada, Madaxbannaanida & wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska ku nool ugu baaqay in doorkooda ay ka qaataan howlaha horyaalla guddigaan si looga hortago xad-gudub weliba oo Dalka lagu sameeyo

 

Mas’uuliyiin katirsan Guddigaan ayaa warbixin la wadaagay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska waxaana ay u sheegeen in howlo kala duwan uu Guddigu qabtay si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024

 

Qaar kamid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa dhankooda ballanqaaday in ay door wanaagsan oo firfircoon ka qaadanayaan difaaca wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

Qurba-joogta Soomaalida ayaa ka dhiidhisay damaca gurracan ee fashilka kusoo biya-shubtay ee Itoobiya ku shaacisay in ay heshiis la gaartay Maamulka Gobollada Waqooyi {Somaliland} kaas oo dhigaya in ay heleyso qayb kamid ah Biyaha Soomaaliya

 

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday in ay doorweyn ka qaataan qadiyadda ilaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA