Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

140 qof oo ku dhintay isbitaal lagu Daaweynaayay.

Isniin 27, May 2024, {HMC} In ka badan 130 qof ayaa ku dhintay hal isbitaal oo ku yaalla magaalada go’doonsan ee El Fasher ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Dagaallada u dhaxeeya kooxaha isku haya dalka Suudaan ee dagaalka kula jira gacan ku heynta magaalada ayaa waayadan sii xoogeystay.

Xaaladdu waxay ahayd “mid aad u xun,” ayuu mid ka mid ah dadka deegaanka u sheegay BBC-da, iyadoo isbitaallada iyo suuqyada ay ka dhaceen “duqeymo xooggan oo madaafiic ah”.

El Fasher waa xaruntii ugu dambeysay ee ugu weyneyd Darfur ee ku sii jirta gacanta ciidamada Sudan.

Ciidanka ayaa in ka badan hal sano waxa ay dagaal kula jireen jabhadda Rapid Support Forces (RSF), dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ku qasbeen in ay ka cararaan guryahooda.

Ciidanka ayaa weli gacanta ku haya El Fasher. Magaalada ayaa hoy u ahayd dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaano kale.

Cusbitaalka Koonfurta ayaa daweeyay 979 dhaawac ah in ka badan laba toddobaad gudahood, hay’addu waxay sheegtay Axaddii. 134 in ay ku dhinteen, “calaamad muujinaysa xoojinta rabshadaha dagaalka”, ayay raacisay.

Agabyada cisbitaalka ayaa sii yaraanaya waxayna sii dhaqeyn doonaan muddo hal toddobaad ah, ayay Qaramada Midoobay sheegtay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA