Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Tababar Lagu Baranaayay Isticmaalka Hubka Culus Oo Loo Soo Xiray Saraakiil Katirsan CXDS

Isniin 27, May 2024, {HMC} Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gen Maadeey Shekh Nuur Ufuroow Oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Tababar Usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno Laga Soo Xulay Guutooyinka iyo qaybaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed, kuwaasi oo la barayay Isticmaalka Hubka Culus oo Lagama Maar-maan u ah Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen dayax cabdi cabdulle Ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada Ka Tirsan Qaybaha Iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , isagoo xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.

Intaas kadib Taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska Ciidanka dhulka , oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howlgalka dalka looga sifeynayo Kooxda AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA