Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Ciidanka Dowladda Masar oo rasaas ku furay Ciidamada Israel

Isniin 27, May 2024, {HMC} Telefishin laga leeyahay Israel oo la yiraahdo kanaal 13 ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax. Telefishinka ayaa sheegay in askarta Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Isreal ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Dhinaca kale dowladda Sucuudiga ayaa dhaleeceysay wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in boqortooyada ay ka horjeedo sii socoshada wax ay ugu yeertay xadgudub cad oo ay ciidamada Israel ku sameynayaan dhammaan qeynuunada caalamiga ee bani’aadannimo.

Tirada dhimashada duqeynta shalay ee Rafax ayaa gaareysa 45 qof oo ay ku jiraan 23 haween ah, carruur iyo waayeel. Dhaawac ayaa gaaraya 249 qof

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA