Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo Wajaheeyso cambaareyn caalami ah oo aay kala kulantay xasuuqii ay ku geysatay Rafax

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, wafdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo kuwa ku yaalla saaxil, Danjire Christoph Retzlaff

Waxay ka wada hadleen kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursado cusub oo iskaashi.

Wafdiga Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin kale oo dowladeed oo ay ugu horrayso Danjire Regine Hess, Madaxa Xafiiska Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, Danjire Sebastian Groth, Safiirka Jarmalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Martin Stein, Safiir kuxigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.

Intii wadahadalka lagu gudo-jiray , waxaa labada dhinac ay aad iskula eegeen qoto-dheeraynta iskaashiga, waxyaabaha nacfi wadaagga ah iyo u howlgelidda xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo iskaashiga muddada fog iyo hiigsiga horumarineed.

Israa’iil waa inay u hoggaansantaa go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda {ICJ}ee ah in ay si degdeg ah u joojiso howlgalkeeda magaalada Rafah ee koonfurta Gaza sidas waxaa yiri madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell.

“Nasiib darro, waxa aan aragnay saacadihii dhowaa in Israa’iil ay sii waddo tillaabada millatari ee laga codsaday inay joojiso,” ayuu yiri Borrell oo la hadlayey Golaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee Brussels, halkaasoo wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay la kulmayaan hoggaamiyeyaasha Carabta si ay ugala hadlaan xaalada Gaza iyo Bariga Dhexe.

Borrell waxa uu intaa ku daray in Xamaas gantaallada ay ku soo ridday Israa’iil aysan ixtiraamin shuruucda adduunka.” Hadalkiisan waxa uu daba socdaa Xamaas oo sheegatay mas’uuliyadda gantaallada ku soo riday Tel Aviv Axaddii.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna sheegay in uu aad uga carooday duqeynta ay Israa’iil ku qaadday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Rafah, weerarkaas oo mas’uuliyiinta Gaza ay sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof.

“Howlgalladan waa inay joogsadaan. Ma jiraan meelo ammaan ah oo Rafah ku yaalla oo ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee Falastiin,” ayuu yiri Macron oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

“Waxaan ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo xabbad joojin degdeg ah,” ayuu Macron raaciyay hadalkiisa

Weerarada ayaa dhacay maalmo kadib markii Macron uu magaalada Paris ku soo dhaweeyay Wasiirada Arrimaha Dibada Qatar, Masar, Jordan iyo Sacuudiga si ay uga wada hadlaan xaalada Gaza.

Masar ayaa dhinaceeeda cambaareysay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Duqeynta Israa’iil ayaa lala beegsaday goob ay Israa’iil u aqoonsatay “aag nabdoon” oo ku taal waqooyi-galbeed ee Rafah.

Qoraalkeeda, Masar waxay ugu baaqday Israa’iil inay fuliso tillaabooyinka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda{ICJ}, taasoo ku amartay Israa’iil inay “joojiso hawlgallada millatari” ee Rafah iyo inay “fuliso mas’uuliyadda ka saaran rayidka.

Masar ayaa martigelin doonta wareeg kale oo wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas Talaadada.

Qatar ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ku qaaday xerada barakaca ee Rafah ay hor istaagi karto wada xaajoodyada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha iyo in xabad joojin laga gaaro Gaza.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa Isniintii sheegtay in duqeynta ay tahay “xadgudub ba’an oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah” waxayna walaac ka muujisay “inay carqaladeyso dadaallada dhexdhexaadinta ee socda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA