Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tuulo lagu dilay toban Qof Laguna Afduubtay In kabadan160 kale

Isniin 27, May 2024, {HMC} Toban qof ayaa lagu dilay ugu yaraan 160 kalana waa lagu afduubtay tuulo ku taalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay saraakiishu sheegeen.

Tiro badan oo hubaysan, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Nigeria ee Boko Haram, ayaa habeenkii Jimcaha soo galay tuulada Kuchi, sida uu BBC-da u sheegay sarkaalka degaanka Aminu Abdulhamid Najume.

Dadka la qafaashay waxay u badnaayeen haween iyo carruur, halka kuwa la dilay ay ku jiraan ugaarsato sugayay ammaanka deegaanka, sida uu sheegay.

Dableyda ayaa la sheegay in ay Mooto Bajaaj ku galeen Kuchi oo ay xitaa waqti ku qaadanayeen, iyaga oo shaah ku sameysanayay dhacna u geysanayay guryaha qaar ka hor inta aysan ka bixin wax ka badan laba saacadood.

Mr Najume, oo ah gudoomiyaha golaha deegaanka Munya, ayaa sheegay in bulshada Kurchi ay ku dhacday murugo iyo walaac ah in ay maqleen wararka dadka la qabtay.

Weerarrada ka dhaca gobolka Niger ayaa noqday kuwa soo badanaya inkastoo inta badan aan la kala cadeyn in ragga hubeysan ay xiriir la leeyihiin kooxaha jihaad doonka ah.

Bishii la soo dhaafay dhowr tuulo ayaa waxaa bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo afduub u gaysta madax furasho.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA