Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan$18 Milyan oo dollar

Talaado 28, May 2024, {HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqay $18 Milyan oo dollar oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha Isbadalka Cimillada, kaas oo xilligaan saameen ku yeeshay adduunka

 

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed, kaas oo dowladda Soomaaliya ku sheegtay in uu aad muhiim u yahay dowladda xiligaan la taagan yahay

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban ayaa uga mahdceliyey, isaga oo ka hadlay faa’iidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga

 

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalnimadii shalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo ay isugu imaanayaan dhammaan Hoggaamiyaasha dalalka Afrika, waxaana shirkaan Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA