Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Nalalka cadceeda ku shaqeeya oo laga hergaliyay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan

Talaado 28, May 20224 {HMC} Nalalka cadceeda ku shaqeeyo ee laga hirgilinayo degmada Halgan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Federalla Soomaaliya, iyo Dowlad goboleed Hirshabelle waxaana ka taageeray Dalalka Norway iyo Switzerland.

 

Gudoomiyaha degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Nuur ayaa so dhaweeyay hirgalinta nalalka cadceeda ku shaqeeyo ee lagu xiray wadooyinka degmada kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan bilicda amaanka iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka xiliga habeenkii ah.

 

Qaar kamid ah Bulshada ku nool dagmada Halgan oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa so dhaweyay hirgilinta nalalka cad ceeda ku shaqeeyo waxaana ay ku tilmaameen Talaabo dhinaca horumarka iyo nabada- galyada loo qaaday iyagoona siweyn ugu mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay hil gilinta Mashruucan.

 

Waa markii ugu horeysay oo laga hirgiliyay nalalka cad ceeda ku shaqeeyo dagmada Halgan tan iyo markii Soomaaliya ay soo gaareen kuwaas oo meelo badan oo dalka ah laga hirgiliyay.

Hirgilinta Nalalka cadceeda ku shaqeeyo ayaa isbadal weyn ku sameeyay Magaalada Halgan waxaana iftiin iyo qurux noqotay guud ahaan magaalada taas oo u muuqato mid rajo ku beertay dadka ku nool magaaladaas.

 

Shacabka Magaalada halgan ayaa la arkayay iyagoo isku so baxay wadooyinka si ay u arkaan isbadalka dhinaca iftiinka ku dhacay Magaaladooda.

Qorshaha ayaa ahaa in naleeyn lagu sameeyo ama laga hirgiliyo Nalalaka cadceeda ku shaqeeyo ilaa 5 degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kuwaas oo kala ah  Feerfeer Soomaaliya, Beergadiid, Jawiil, Halgan iyo Farlibaax. waxaana ay gaareysaa tirada soolada laga hirgiliyay dagmooyinkaas 114 Soolar.

 

Hirginta Mashruuca Naleeynta qaar kamid ah Dagmooyinka Gobolka Hiiraan Ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Federalla Soomaaliya, iyo Dowlad goboleed Hirshabelle waxaana ka taageeray dowladaha Norway iyo Switzerland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA