Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}Gudoomiyaha Hay,adda Sodma oo La Kulmay Agaasima Ka Socday Midowga Yurub

Talaado 28, May 2024, {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi uu horkacaayey Maciej Popowski oo ah Agaasimaha guud ee Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan isku dubarridka howlaha Bini’aadannimo iyo ilaalinta Shacabka.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay in si wadajir ah wax looga qabto sameenta ka dhalatada Isbeddelka Cimilada sida: Abaaraha iyo Fatahaadaha, sidoo kale hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku soo bandhigtay gurmadkii iyo gargaarkii ay gaarsiisay degaannadii ay waxyeellada ka soo gaartay Isbeddelka Cimilada, Waxyabaha kaga aaddan ka hortagga leexsashada gargaarka, horumarkii laga sameeyay arrintaas iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Sidoo kale waxyabaahii kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa xoojinta iyo kor u qaadista awoodda hay’adda dhanka ka soo kabsashada aafooyinka iyo dejinta qorshaha ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka, iyo sidii adeegyada aas-aasiga ah loo gaarsiin lahaa dadka iyo degaannada ay waxyeelladu saameysay, waxaana qeyb ka ahaa kulankaan Sandra Goffin oo ah madaxa ECHO ee geeska africa iyo Javier Rio Navarro oo ah madaxa xafiiska ECHO ee Somaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA