Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}MD Hirshabeee oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socday Qaar Ka Mid Ah Hay,addaha UN-KA.

Talaado 28, May 2024, {HMC}Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran Golaha Wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid waxaana diirrada lagu saarayay howlaha Ha’yaddahaasi ay ka wadaan deegaannada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horreeyn madaxda Hay’addaha ayaa sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.
“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan Hirshabeelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta Hay’addihii uu maanta kulanka la qaatay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA