Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo si kulul ugu jawaabtay Kenya kadib Hadalkii..

Talaado 28, May 2024, {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Kenya William Ruto oo khudbad uu Mareykanka ka jeediyey ku sheegay in Soomaaliya ay Khawaarijta Al-Shabaab ula wareegi doonto sidii Afganistaan ay ula wareegtay Talibaan, hadii dalka laga saaro ciidamada ATMIS.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa qoraal kooban uga jawaabay hadalkii Ruto, isagoo sheegay in marxaladda Soomaaliya aysan lamid aheyn midii ka dhacday Afgaanistaan.

Cali Balcad oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ama X ayaa in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha Kenya.

“Kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya aad ayey uga duwan yihiin kuwa Afgaanistaan, bixitaanka ciidamada ATMIS ma horseedi doonto xaalad lamid ah tii Afgaanistaan, waxaan ku dadaali doonaa inuu guuleysto dadaalka ay xasilloonideeda xaqiijineyso Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya.

Intaas kadib, barta X oo inta badan ay siyaasiyiintu isticmaalaan waxaa ka furantay dood lagu falanqeynayo hadallada Ruto iyo Cali Balcad, siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Kenya ka soo yeeray uu macquul yahay, khatarta uu ka digayna ay jirto.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo ka digay khatar soo wajihi karta dalka, hadii ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika, isagoo dowladda Mareykanka ka codsaday in arrintaan ay soo farageliso.

Inta uusan Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya wuxuu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkiisa Washington iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay, si gaar ah waxay diiradda saareen arrimaha quseeya danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA