Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh Gabar aflagaado iyo hanjabaad u geesatay oo la xiray

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Ciidanka booliiska Galmudug , gaar ahaan kuwa ka howgala gobolka Mudug ayaa xiray gabar dhallinyaro ah oo dhawaan baraha bulshada aflagaado iyo hanjabaad dil ugu geesatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen ayaa muuqaal ay iska soo duubtay ku aflagaadeesay Madaxweynaha , waxa ayna sheegtay haddii uu yimaado degmada Wisil ee gobolka Mudug in ay Suug ku dili doonto.

Waxa ay sidoo kale gabadhan kasoo horjeeday xarig magaalada Muqdisho loogu geestay dad aflagaado iyo kicin dadweyne geestay, waxa ayna sheegtay in iyada aysan jirin cid xiri karta oo u imaan karta.

Booliiska Galmdug ayaana sheegay in gabadhan hadda la xiray ay ku socdaan baaritaanno, waxa ayna sheegeen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda si gabadhan loogu qaado kiiska dambiyada loo heesto.

Xarigga loo geesanayo dadka u gefa madaxda dalka , sidoo kale ku kaca aflagaadada ayaa ka gudubtay magaalada Muqdisho, waxaama horey caasimadda dalka loogu xir xiray dad badan oo ku kacay aflagaad, kicin dadweyne iyo qabyaalad.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA